Isniin, Maarso 10, 2025 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ay weli jiraan dad shacab ah oo la macaamilaya Al-Shabaab, inkastoo ay horey dhowr jeer dowladda uga digtay arrintaas.
Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa sheegay in deegaanka Ceel Bacad ee Shabeellada Dhexe lagu arkay dad weli xiriir la leh kooxda Al-Shabaab, taasoo, sida uu sheegay, muujineysa in aan laga waantoobin la macaamilka kooxda.
Wasiirka ayaa xusay in, iyagoo aad uga taxaddaray in shacabka waxyeello soo gaarto, ay duqeyn la beegsadeen xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaankaas.
Wasiirku wuxuu mar kale ku waragaliyay shacabka inay ka fogaadaan la macaamilka Al-Shabaab, isagoo ku booriyay in ay ka fogaadaan goobaha ay kooxdaasi ku sugan tahay, si looga badbaado waxyeello ka dhalan karta howlgallada milatari.
Maalmo kahor ayay ahayd markii Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay shacabka ugu baaqeen inay si taxaddar leh uga dheeraadaan meelaha ay joogaan xubnaha Al-Shabaab, si looga fogaado waxyeello ka dhalan karta weerarrada ka dhanka ah argagixisada.
Dowladda federaalka ayaa sheegtay inay sare u qaadeyso howlgallada dhanka cirka iyo dhulka ee lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab.