4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 11, 2025
Wasaaradda Batroolka Soomaaliya oo sheegtay in 70% lasoo dhameeyay sahmintii shidaal ee laga waday Biyaha Soomaaliya

Talaado, Maarso 11, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa sheegay in inta badan sahmintii shidaalka ee shirkadda Turkiga ay ka wadday Soomaaliya ay soo gabagabowday ayna suurta gal tahay dabayaaqada sanadkaan ama horaanta sanadka 2026 ay Soomaaliya markii ugu horeeysay ku dhawaaqdo inay shidaalkeedi soo saaraneyso.

Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu ku sheegay in sahminta hadda ay ka socoto degaanada Mareeg iyo Xarardheere ayna u gudbi doonto xeebaha Degmada Hobyo ee Koonfurta Mudug, waxaana uu wasiirka carabka ku dhuftay in bisha April ay soo gaba gaboobi doonto sahminta markabka Turkiga uu kawado biyaha Soomaaliya.

Mar wax laga weydiiyay soo saarka shidaalka Soomaaliya iyo isbadalada Cimilada iyo amaanka sida ay isku saameyn doonaan ayuu wasiirka shaaca ka qaaday inay jiraan khubaro arrimahaasi ka shaqeeya oo durba ay wasaaradu diyaarisay si ay ula falgalaan.

Markab bilaabaya shidaal Qodista ayaa kusugan Badda Madow kaliya sugaya in sahminta ay soo dhamaato kadib ayuu usoo jiheeysan doonaa dhinaca Soomaaliya.

Ugu dambeeyn waxa uu Wasiirka Batroolka Soomaaliya uu xusay inay jireen caqabado ka horyimid sahminta shidaalka oo ay ugu weyn tahay maraakiibta sida sharci darada uga jilaabta biyaha Soomaaliya kuwasi oo shabaqyada ay tuurtaan ay dabooli jireen qalabka sahminta sameenaya.