4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 11, 2025
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii Al-shabaab ee saakay ku qaadeen Magaalada Beledweyne
 

Talaado, Maarso 11, 2025 (HOL) - Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ay saakay ku qaadeen magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan rag ka tirsan Dagaalamayaasha Al-shabaab oo weeraray Hotel ku yaala magaalada.

Wasiirka oo war qoraal ah kusoo qoray barta uu ku leeyahay Facebook ayuu si kulul ugu cambaareeyay dhibaatada ay Kooxda Al-shabaab ay ka geeysatay hotel ay deganaayeen nabadoono iyo rag saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya, waxaana ammaan uu u jeediyay ciidanka qaranka oo uu tilmaamay inay si geesinimo leh uga hortageen dhagarta Kooxdaasi.

"Waxaan cambaareeynayaa weerarka wuxuushnimada ah ee kooxda arxanka daran ee khawaarijta ah ku qaadeen Hotelka Qaahira ee magaalada Beledweyne, Waxaan naxariista janno Alle u waydinayaa intii ku geeryootay weerarkan fulaynimada ah, anigoo sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeynaya intii ku dhaawacantay". ayuu yiri wasiirka Caafimaadka.

Wasiirka ayaa ku ammaanay ciidamada geesiyada ah ee qalabka sida, oo uu sheegay in inta badan soo badbaadiyeen odayaasha dhaqanka iyo dadkii hotelka ku sugnaa.

Hotelka qaraxa iyo weerarka lagu ekeeyay ayaa lagu magacaabaa Hotel Qaahira, waxaana la sheegay iney daganayeen Odayaal dhaqameed iyo saraakiil ciidan oo waday abaabulka dagaal ka dhan ah Al-shabaabka ku sugan Galbeedka gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn Wasiirka waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in Dhacdadan aysan noqon doonin mid ka weecisa ama ka niyad jabisa dadka deggan galbeedka Beledweyne, dadaallada iyo ololaha ay maalmihii lasoo dhaafay ugu jireen xoreeynta galbeedka Hiiraan iyo guud ahaan galbeedka Hirshabelle.