Talaado, Maarso 11, 2025 (HOL) - War kasoo baxay Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay xalay ka fuliyeen aagga deegaanka Basro ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen Maleeshiyaad ka tirsanaa Al shabaab, iyada oo sidoo kale, la burburiyay gaadiid dagaal oo ay wateen.
Sida Bayaanka kasoo baxay NISA lagu sheegay howlgalkaan ayaa haa mid laba jeer lagu qaaday saldhigyada ay dagaalamayaal Al-shabaab ku sugnaayeen kuwaasi oo ay Hay'addu tilmaamtay inay damacsanaayeen dhagaro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed halkaasna looga hortagay.
Bayaanka waxaa lagu yiri "Howlgalkan, oo labo mar oo kala duwan lagu beegsaday Al shabaab, ayaa lagu guuleystay in lagu soo afjaro nolosha ilaa 16 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay go'doon ku ahaa dhul hawd ah oo u dhaw deegaanka Basro".
"Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa weli sii wada howlgallada lagu beegsanayo goob kasta oo ay ku dhuumanayaan cadawga Khawaarijta ah" ayaa lasii raaciyay warka kasoo baxay NISA.
Maalmihii lasoo dhaafay waxa sii kordhayay howlgalada cirka iyo kuwa gaar ah oo ay ciidamada dowladda ku bartilmaameysanayaan dagaalamayaasha Al-shabaab ee dhaq dhaqaaqa kawada Gobolada Shabeellooyinka kuwaasi oo muddooyinki dambe xoojiyay weerarada ay degaanadaasi ka geysanayaan.