Hiiraan Online
4/2/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Mar 11, 2025
Dowladda Soomaaliya oo dhiseysa xerooyin ciidan oo ay saraakiil Masaari ah tababar ku bixin doonaan
Talaado, Maarso 11, 2025 (HOL) - Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Balcad oo wareysi siinaayay Tv ga Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Masar ay kaalin weyn ku leedahay tababarka ciidanka Qaranka Soomaaliya ayna hadda kamid noqoneyso Howlgalka cusub ee AUSSOM.
Wasiir Cali Balcad ayaa xusay in Dowladda Masar iyadu ay soo codsatay in howlgalkaan cusub ee sanadkaan ka bilowday Soomaaliya ay kamid noqoto, waxaana uu xusay in Masar uu xiriir Taariikhi oo aad u weyn kala dhaxeeyo Dowladda Soomaaliya oo saraakiil sar sare Soomaali ah ay halkaasi kusoo tababarteen.
Wasiirka ayaa xusay in Masar ay si gaar ah ay u taageeraan ciidanka Dowladda Soomaaliya oo ay qorsheenayaan inay dhisaan xerooyin ciidan si saraakiisha Masaarida ay uga bixiyaan tababarida ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.
Cali Balcad ayaa tilmaamay in ciidamada Masaarida ee dalka imaanaya ay qeyb ka noqon dagaalka lagula jiro Kooxda Al-shabaab sidoo kalana la geeyn doono saldhigyadii ay ka baxeen ciidamadii Howlgalkii ATMIS ee sanadkii lasoo dhaafay lasoo gaba gabeeyay.
Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar ayaa horey u kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo ammaanka quseeya iyo iskaashi oo dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha, Dowladda Masar waxa ay ciidamo ay usoo diri doontaa dhowaan Soomaaliya si ay howlgalkoodi u bilaabaan.