4/6/2025
Today from Hiiraan Online: U.S. deputy secretary signals interest in Somaliland ties wi...
Wararka Maanta- Talaado, Mar 11, 2025
Uganda oo Ciidamo Kamandoos ah u Dirtay Koonfurta Sudan xilli Laga Cabsi Qabo in Dagaal Sokeeye Mar Kale Qarxo
 

Talaado, Maarso 11, 2025 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa cutubyo ka tirsan ciidamadeeda kamandooska u dirtay dalka Koonfurta Sudan, kaddib khilaaf soo kala dhex galay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, kaasi oo laga cabsi qabo inuu isu beddelo dagaal sokeeye.

Taliyaha milatariga Uganda, Muhoozi Kainerugaba, ayaa wacad ku maray in dowladdiisu ay difaaci doonto Madaxweyne Salva Kiir, oo uu khilaaf xoogani kala dhexeeyo ku xigeenkiisa, Riek Machar. Taliyuhu waxa uu ku hanjabay in tallaabo kasta oo loo qaado dhinaca Madaxweyne Kiir ay la micno tahay dagaal ka dhan ah Uganda.

"Laba cisho ka hor, ciidamadayada gaarka ah waxay galeen Juba si ay u ilaaliyaan. Tallaabo kasta oo ka dhan ah Salva Kiir waa dagaal ka dhan ah Uganda," ayuu yidhi Kainerugaba. "Dadka dambiyada gala way ka qoomamayn doonaan."

Taliyaha ciidamada Uganda ma uusan sheegin muddada ay ciidamadoodu joogayaan Juba, iyo sidoo kale haddii ay halkaas ku tageen codsi uga yimid Madaxweyne Kiir.

Dagaallo goos-goos ah oo u dhexeeya ciidamo kala taabacsan Madaxweyne Kiir iyo Machar ayaa ka dhacay maalmihii u dambeeyay dalkaasi oo hadda kasoo kabanaya colaado sokeeye oo muddo dheer soo jiitamayay.

Qaramada Midoobay oo ka cabsi qabta in colaadu mijoxaabiso heshiiskii xabad joojinta ee ay dhinaxyadu gaadheen 2018, ayaa Jimcihii ugu baaqday dhinacyada inay is xakameeyaan, isla markaana madaxda waddanku ay si dhakhso ah miiska wadahadalka isugu yimaadaan si loo xakameeyo colaadda.

Ma aha markii ugu horreysay ee dowladda Uganda ay taageero ciidan u fidiso Madaxweyne Kiir; sanadkii 2013 ayay ciidamada Uganda tageen Koonfurta Sudan si ay garab u siiyaan ciidamada Kiir, waxaana dib looga saaray 2015. Sidoo kale, 2016 ayaa markale lagu celiyay kaddib markii colaado cusub ay dib u qarxeen.

Dowladda Uganda ayaa cabsi ka qabta in haddii dagaal ballaadhan ka qarxo dalka deriska la ah ee Koonfurta Sudan, ay kusoo qixi doonaan kumannaan qaxooti ah. Uganda waxay sidoo kale ciidamo u dirtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, halkaas oo ay dagaal kula jiraan fallaago la sheegay inay taageerto dowladda Rwanda.

Ciidamada Uganda ayaa sidoo kale qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta Soomaaliya.