4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 13, 2025
Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay heshiis is afgarad oo ku saabsan arrimaha Bartoolka iyo Gaaska
 

Khamiis, Maarso 13, 2025 (HOL) - Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda Tobobaadlaha ah ayaa kaga wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga guud ee dalka, iyagoona ansixiyay heshiisyo Xukuumadda lasoo gashay dalka Azerbajin.

Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa ugu horeyn kulankooda maanta ku meel mariyay  heshiis is afgarad oo ku saabsan arrimaha Batroolka iyo Gaaska oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan iyo waliba Xeerka xarunta Shaqada ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

Kulankaan oo uu shir guddoominayay Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale warbixino looga dhageystay Wasaaradaha Difaaca iyo amniga ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Golaha Wasiiraddu ansixiyen soo jeedinta ka timid Wasaarrada Beeraha iyo Waraabka oo la xariirtay magacaabista Maareeyaha iyo Maareeye ku xigeenka hey’adda sharciyeynta adeegyada baaritaanka iyo Beeraha Soomaaliyeed.

Xubnaha la magacaabay ee Golaha Wasiiradu ansiyeen ayaa kala ah Cabdi Maxamed Xuseen oo loo magacaabay Maareeyaha guud ee hey’adda sharciyeynta adeegyada baaritaanka iyo Beeraha Soomaaliyeed iyo Liibaan Cabdi Xasan oo isna loo magacaabay Maareeye ku xigeenka hey’addaas.