Jimco, Maarso 14, 2025 (HOL) - Qeybaha kala duwan ee bulshada Beesha Xawaadle ayaa Xalay Kulan lagu taageerayey halganka dib u xoreynta dalka iyo doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hirgasha ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Kulankaan oo uu soo agaasimay Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Feysal Caraale Afrax ayaa ahaa mid dhamaan masuuliyiintii iyo waxgaradkii kasoo qeyb galay kulanka ay ku cadeeyeen in beesha Xawaadle diyaar u tahay doorasho qof iyo cod ah oo dalka laga qabto iyo sii wadista halganka xureynta Al-shabaab.
Masuuliyiinta kulanka ka hadashay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed, madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, hoggaamiyaha ciidanka difaaca deegaanka Cali Jeyte Cismaan, Xoghayaha gobolka Banaadir Feysal Caraale, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin, dhalinayaro, nabadoono iyo haween.
Xoghayaha gobolka Banaadir oo ka hadlay kulanka ayaa shaaca ka qaaday in beesha Xawaadle ay diyaar u tahay doorasho qof iyo cod ah oo dalka laga qabto iyo in lasii laba jibaaro howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.
"Waxaan cadeynaya in beeshu diyaar tahay hadii doorasho qof iyo cod ah la qabanayo oo ay tahay dadka ugu horeeyo oo diyaar u ah, waxaan kalo raba in beesha ay xoojiso dagaalka Khawaarijta oo dadka beesha ee ku sugan Banaadir ay qeyb ka noqdaan halgan ka xureynta ee dalka" ayuu yiri Xoghaye Feysal Caraale.
Madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku baaqay in halganka xureynta aanan la siyaasadeyn, isagoona xusay in beesha Xawaadle diyaar u tahay nidaam doorasho oo dalka laga qabto.
"Madaxweyne Xasan Sheekhow dagaalku dhinaca tolkaa Abgaal ayuu ka socon la'yahay ee siyaasadda haka dhaafaan, Caqli iyo Siyaasad meel islama galaan, dagaalka anaga waa ku jirnaa ee dhankaas hagardaamada haka dayaan oo ha dagaalamaan" ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynahii hore ee Hirshabelle.
Hoggaamiyaha Macawiisleeyda Soomaaliya Caki Jeyte Cismaan ayaa dhankiisa sheegay in loo baahan yahay in si mideysan shacabka Soomaaliyeed u wajahaan howlgalka lagu ciribtiraayo kooxda Al-shabaab.
Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Batrolka iyo Macdanta Xukuumadda Fedaraalka Daahir Shire Maxamed oo kulanka soo xiray ayaa ugu baaqay beeshiisa iney u mideysnaadaan howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo in u diyaar garoobaan doorashada qof iyo codka ah ee dalka ka dhaceysa.
"Hadaa nahay beesha Xawaadle kuwo loo shooro noqon meyno ee waxaan noqoneynaa dad lala shoorro matalaadna anaa idin jooga, waxaan rabnaa in doorashada dadweyne aan noqono beesha ugu horeysa ee u diyaarsan, sida aan u noqonay beesha ugu horeysay ee halganka xureynta bilaawday" ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Daahir Shire Maxamed.
Kulankaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay wado dadaalo xoogan oo ay dalka uga hirgalineyso qabsoomida doorasho qof iyo cod ah markii ugu horeysay mudo laga joogo 56 sano.