4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 14, 2025
Dowladda Fedaraalka oo Sacuudiga kala hadashay joojinta fulinta xukuno dil ah oo lagu riday dhallinyaro Soomaaliyeed
 

Jimco, Maarso 14, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Macalin ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay baajinta xukuno dil ah oo dowladda Sacuudiga ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed.

Wasiir Xasan Macalin ayaa sheegay inuu kala hadlay Safiirka Sacuudiga u jooga Soomaaliya arrimo badan oo la xariira sidii dhalinyarada Soomaaliyeed u heli lahayeen Cadaalad iyo in labada dal ay yeesheen iskaashi dhinaca Cadaalada iyo garsoorka ah.

“Waxaan Safiirka dowladda Sacuudiga kala hadlay joojinta fulinta xukuno dil ah oo lagu riday dhallinyaro Soomaaliyeed, waana naga aqbalyay, waxaan kalo ka wada hadalnay inaan sameysano xiriir dhanka iskaashiga Cadaalada iyo Garsoorka ah" ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Xasan Macalin.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka Cadaalada Soomaaliya in dowladda Sacuudiga uu la wadaagay heshiis la xariira is dhaafsiga maxaabiista u kala dhashay labada dal ee dambiyada ka gala.

"Waxaan wadna dadaalo ku aadan in mawadiniinta Soomaaliyeed ee ku xukuman dalka Sacuudiga aan la wareegno oo xukunkooda ku qaataan Soomaaliya, waxaan gudbinay heshiiska arinka ku aadan waxaan jawab ka sugi hayna Wasaaradda Caadalada Sacuudiga si aan u dhameystirno heshiiska" ayuu yiri Wasiir Xasan Macalin
 
Hadalka Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan dalka Sacuudiga lagu toogtay muwaadin Soomaaliyeed, islamarkaana kuwa kale ugu  xukuman yihiin dil toogasho ah.