4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 14, 2025
Itoobiya iyo Ruushka oo kala saxeexday heshiis lagu horumarinayo dhismaha Ciidanka Badda Itoobiya
 

Jimco, Maarso 14, 2025 (HOL) - Dowladaha Itoobiya iyo Ruushka ayaa maanta kala saxeexday heshiis kor loogu qaadayo dhismaha Ciidanka Badda Itoobiya.

Wafti uu hoggaaminayo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Badda Ruushka, Admiral Vladimir Aurobiv, ayaa soo gaadhay Addis Ababa, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Ku-xigeenka Madaxa Hawlgelinta Ciidanka Badda Itoobiya, Commodore Jemal Tufisa.

Labada masuul ayaa kala saxeexday heshiis la sheegay inuu xoojin doono dhismaha Ciidanka Badda Itoobiya, isla markaana uu gogol xaadh u noqon doono iskaashi dheeraad ah oo labada dal dhex mara mustaqbalka.

Qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu fure u noqonayo horumarinta awoodda Ciidanka Badda Itoobiya, taas oo la filayo inay sare u qaaddo difaaca.

Waftiga Ruushka ayaa sidoo kale booqday xarumaha ay ku shaqeeyaan hay'adaha badda ee Itoobiya, iyo xarunta tababarka Ciidanka Badda ee Bishoftu.

Itoobiya oo ka mid ah dalalka Afrika ee aan badda lahayn, ayaa haddana dhisaysa ciidan badeed oo xooggan. Madaxda Itoobiya ayaa ku dooday inay xaq u leeyihiin helitaanka marin-badeed, si ay uga qayb qaataan iskaashiga amniga gobolka iyo horumarinta dhaqaalaha.