4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 14, 2025
Dowladda Soomaaliya oo diiday dalabkii Maraykanka ee qaabilaadda shacabka Qasa
 

Jimco, Maarso 14, 2025 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba diiday dalabkii dowladda Maraykanka ee ahaa in qayb ka mid ah shacabka magaalada Qasa ee Falastiin dib u dejin loogu sameeyo dalkeeda, sida ay werisay Reuters.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in waddankiisu aanu aqbalaynin dalab ama qorshe kasta oo xagal-daacinaya xaqa dadka reer Falastiin ee ah in ay dhulkooda si nabad ah ugu noolaadaan.

Wasiirku waxa uu Reuters u sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax dalab rasmi ah ka helin Maraykanka oo tilmaamaya in Soomaaliya ay martigeliso shacabka Qasa, isaga oo carabka ku adkeeyay in Muqdisho aanay marnaba aqbali doonin qorshe kasta oo dib-u-dajin ciideeda loogu sameynayo dadka reer Falastiin.

Wakaaladda Wararka ee AP ayaa saaka ku warrantay in saraakiil Maraykan iyo Israa’iiliyiin ahi ay sheegeen in wadahadallo ku saabsan qaabilaadda shacabka reer Qasa ay u socdaan dowladaha Maraykanka iyi Israa’iil oo dhan ah iyo Soomaaliya, Somaliland iyo Suudaan. Sudaan ayaa markiiba diiday dalabka Washington.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, oo damac ka galay magaalada ay Israa’iil burburisay ee Qasa, ayaa sheegay inuu doonayo inuu la wareego, isla markaana dadka reer Falastiin waddamo kale dib-u-dajin loogu sameeyo.

Dalabkan waxa si adag u diiday shacabka Falastiin iyo waddamada Carabta, kuwaas oo hadda wadda qorshe ay magaalada dib ugu dhisayaan si ay uga hortagaan qorshaha Trump.