4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 15, 2025
Maamulka Awdheegle oo faahfaahin ka bixiyay dagaal culus oo maanta ka dhacay degmadaas
 

Sabti, Maarso 15, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose Liibaan Cabdulqaadir ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerar waabarigi hore ee saakay ku qaaday kooxda Al-shabaab gudaha degmadaas.

Guddoomiye Liibaan ayaa sheegay in weerarka saakay jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, kadib markii ciidamada xoogga dalka ay si weyn uga hortageen weerarka saakay kusoo qaaday gudaha magaaladaas.

Wuxuu intaasi ku daray guddoomiyaha  degmada Awdheegle in mudada uu weerarka socday isaga iyo masuuliyiin kale iney isaga baxeen magaalada oo uu ka dhacay dagaalkii ugu qaraara mudooyinkaan dambe.

“Khawaariijta ayaa weerar kusoo qaadday Degmada Awdheegle, ciidamada Geesiyaasha ah ayaa kahortagay oo khasaara xooggan gaarsiiyay, aniga waxaan isaga baxay Magaalada oo dagaal culus ka socday, hada xaalku waa dagan yahay oo ciidamada ayaa si adag u difaacay weerarka Khaeaariijta” Ayuu yiri guddoomiyaha Awdheegle Liibaa Cabdulqaadir.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada qaranka ay ka hor istaageen in kooxda ay gacanta ku dhigto xarumaha maamulka ee degmada Awdheegle.

"Geesiyaasha Qaranka ayaa si weyn u difaacay in kooxdu qabsato xarumaha maamulka, hadana xaqiijin haya amaanka guud ee degmada, waxaa la gaarsiiyay Khawariijta jabkii ugu xoogana" ayuu yiri guddoomiye Liibaan.

Weerarkaan saakay ka dhacay Awdheegle ayaa kusoo aadaya, iyadoo gobolka Shabeelaha Hoose ka wadaan ciidanka xoogga dalka howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.