4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 15, 2025
Macalim ka cusub ee Xulka Qaran oo rajo ka muujiyay kulamada uga harsan Group ka ee is reebreebka ciyaaraha Aduunka 2026
 

Sabti, Maarso 15, 2025 (HOL) - Macallinka cusub ee loo magacaabay Xulka Qaranka Soomaaliya, Yuusuf Cali Nuur, ayaa sheegay in rajadooda ay ka qabaan inay natiijo fiican ka keenaan kulamo ciyaareedka soo socda ay aad u sareeyso xiddigaha Ocean-ka inay u soo baxaan ciyaaraha isreeb-reebka Koobka Adduunka ee FIFA 2026 oo ay la ciyaarayaan Guinea iyo Botswana oo ku wada jira Group G.

Isagoo la hadlayay warbaahinta maxalliga ah ka hor inta aysan xulka Soomaaliya u bixin Ivory Coast shalay oo Jimco ahayd, ayuu Yuu Cali wuxuu sheegay inuu garanayo waxa laga filayo labada kulan ee ciyaartooydiisa ciyaari doonaan.

“Labada wadan waxay ka mid yihiin kooxihii aan horay ula ciyaarnay, Hadda waxaan qabnaa rajo weyn, Labada xul qaranba waa kuwo aad utartama, waana la wada soconaa, Rajo ahaan waxaan dooneynaa inaan wax ka gaarno labada kulan oo natiijo wax u ool ah.” ayuu yiri Macalim Yuu Cali.

Soomaaliya ayaa ugu hooseysa Group G iyadoo aan wax dhibco ah heysan, waxaana laga yaabaa in qaab ciyaareedkii aan wanaagsan ee dhibcihii ku lumiyeen ay ku qasbi karto tababaraha cusub inuu dib u eego qaab ciyaareedka Ciyaartooyda Soomaalida.

“Waan ku guuldareysanay kulamadii hore laakiin waxaan rajeyneynaa inaan sameyno waxa ugu fiican, Diyaargarow fiican ayaanu samaynay. Insha allaah natiijo ayaanu heli doonaa”. Ayuu hadalkiisa raaciyay.

10 Ciyaartooyd oo naadiyada heerka ugu sareeya kaga jira Tartanka Naadiyada Soomaaliya iyo kuwa kale oo dibadda laga keenay ayuu horkici doonaa Yuu Cali kuwaasi oo shacabka Soomaaliyeed ay ka filayaan natiijo wax ku ool.