4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 15, 2025
Dowladda Maraykanka oo shaqaale dhimis ku samaysay idaacadda VOA iyo hay'ado kale
 

Sabti, Maarso 15, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Maraykanka, Donald Trump, ayaa amar ku bixiyay in shaqaale dhimis lagu sameeyo idaacadda Voice of America (VOA), iyada oo dhammaan shaqaalihii idaacadda loo sheegay inay guryahooda joogaan si ku meel gaadh ah.

Sida ay warisay AP, amarkan ayaa soo baxay kadib markii Koongrasku uu meelmariyay sharci ku saabsan arrimaha kharashaadka. Trump ayaa maamulkiisa u sheegay in la dhimo kharashka hay'addo dhowr ah sida US Agency for Global Media, oo ay hoostagto idaacadda VOA, Radio Free Europe and Asia iyo Radio Marti.

Subaxnimadii Sabtida, Kari Lake, oo lataliye sare u ah hay’adda, ayaa qoraal ku daabacday X (Twitter) kaas oo shaqaalaha ku wargelisay inay hubiyaan iimaylkooda oo loogu diray amar si ku meel gaadh ah shaqada lagaga joojinayo. Shaqaalaha ayaa ku maqnaandoona fasax iyada oo mushaarku u socdo.

Ururada u dooda xuquuqda saxaafadda ayaa kasoo horjeedsaday go’aanka Trump, iyaga oo ku tilmaamay go’aan lagu waxyeelaynayo xoriyada saxaafadda, waxayna ku baaqeen in si deg deg ah shaqada loogu soo celiyo shaqaalaha VOA.

Maamulka Trump, oo talo ka helaya maalqabeenka caanka ah ee Elon Musk, ayaa xidhay hay'addo badan oo dowladda Maraykanku ay maalgelin jirtay. Musk, oo madax ka ah xafiis ka shaqeeya ilaalinta hantida dowladda, ayaa soo rogay amaro badan oo dad badan shaqo la'aan dhigay.

Maraykanka ayaa hore albaabada isugu laabay hay'addii mucaawinada dibadda Maraykanka ee USAID, sidoo kale waxa uu deeqihii ka goostay hay'adihii kale ee gargaarka, taasoo sababtay in dad badan oo qoxooti ah oo ay hay'aduhu caawin jireen cidlo kusoo dhacaan.