4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2025
Puntland oo shacabkeeda uga digtay inay qaataan kaarka aqoonsiga qaranka oo dowladda Federaalku bixiso

Axad, Maarso 16, 2025 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa si cad uga horyimid kaarka aqoonsiga qaranka oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka bilowday magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Shiikh Cali (Jifojabsade), ayaa uga digay shacabka Gaalkacyo in aysan ku sirmin barnaamijkan, isaga oo ku tilmaamay mid aan sharciyad iyo dastuur sax ah ku dhisnayn.

Guddoomiye Jifojabsade wuxuu si cad u sheegay in Puntland aysan oggolayn in diiwaangelin heer Federaal ah laga sameeyo deegaannadeeda.

Guddoomiye Faysal wuxuu intaas ku daray in qof kasta oo ka qaybqaata hannaanka diiwaangelinta ee NIRA, si uu u helo kaarka aqoonsiga muwaadinimo ee hay’addaasi, uu lumin doono xuquuqdiisa asaasiga ah iyo tan muwaadinimo ee Puntland, islamarkaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

"Dastuurkii ay Soomaali ku heshiisay waa la beddelay oo meesha waa laga saaray. Hadda waxaa yimid hay’ad la yiraahdo NIRA, oo leh diiwaangelin baan samaynayaa, balse su’aashu waxay tahay: sharci ma tahay mise ma aha?" ayuu yiri guddoomiyaha Mudug.


Si kastaba ha ahaatee, hay'adda NIRA ayaa Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug ka bilowday bixinta kaarka aqoonsiga Qaranka, iyadoo dad badan oo kasoo jeeda Puntland ay qaateen kaarkan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in muwaadin  kaste oo qaata kaarkan uu ka qeyb gali doono doorashooyinka qof iyo cod.