Hiiraan Online
4/2/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2025
Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay howlgaladii iyo duqeymahii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka
Axad, Maarso 16, 2025 (HOL) - Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dagaalo iyo duqeymo khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab oo ka dhacay qaar ka mid ah gobolada dalka.
Afhayeenka ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Galgaduud lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab
"Deegaan si tooska ah ay uga dhaceen duqeymaha iyo weeraradii ugu dambeeyay ee lagu naafeeyay kooxaha Khawaarijta waxay kala yihiin Awdheegle, Boos hareeri, Sumadaale, Geerile, Doonka Shabeeloow, Ceelbuur iyo Laba garas oo ah dhamaan deegaano ka tirwan Galgaduud, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, waxaa si weyn loogu naafeeyay kooxaha Khawaarijta ah oo looga laayay horjoogayaal iyo maleshiyaad tiro beel ah" ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Abuukar Maxamed.
Si kastaba ha ahaate Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee kooxda Al-shabaab looga dilay daagalada iyo duqeymahii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka.
Ugu dambeyntii Afhayeen Abuukar Maxamed ayaa boggaadiyay guulaha howgladii ugu dambeeyay ee ciidamada qaranka iyo kuwa difaaca deegaanka ay ka gaareen kooxda Al-shabaab.