4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2025
Xidhiidhka Taiwan muxuu faa’iido iyo khasaare u leeyahay aqoonsi raadinta Somaliland?
 

Axad, Maarso 16, 2025 (HOL) - Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa dhawaan sheegay in xukuumaddiisu ay sii xoojinayso xidhiidhka Taiwan, taasoo ka cadhaysiisay Shiinaha. Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu, ayaa Hargeysa ugu baaqay inay xidhiidhka u jarto Taipei.

Faa’iidada xidhiidhka Taiwan u leeyahay aqoonsi raadinta Somaliland:

Inkasta oo Taiwan tahay waddan aan la aqoonsan, isla markaana uu Shiinuhu aaminsan yahay inay tahay qayb ka mid ah dhulkiisa, haddana waa jasiirad hodan ah oo xidhiidh dhaqaale iyo mid siyaasadeedba la leh waddamada Maraykanka iyo Reer Yurub. Arrintaasi waxay keentay in waddamada Galbeedka, sida Maraykanku, ay ku baraarugaan qaddiyadda Somaliland.

Xarunta Heritage Foundation, oo ah hay’ad saamayn ku leh siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka isla markaana xidhiidh wanaagsan la leh Taiwan, ayaa door weyn ka qaadatay safarkii uu Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ku tegay Washington bishii March 2022. Safarkaasi wuxuu horseed u noqday xidhiidh cusub oo u dhaxeeya Washington iyo Hargeysa. Intaa kadib, xildhibaano iyo siyaasiyiin taageera qaddiyadda Taiwan ayaa taageero u muujiyay aqoonsiga Somaliland.

Kadib markii Somaliland ay diiday cadaadiska uga imanayay Beijing, isla markaana ay ka biyo-diiday inay xidhiidhka u jarto Taiwan, siyaasiyiin badan oo Reer Galbeed ah waxay u arkaan Hargeysa inay tahay goob ku habboon oo laga hor istaagi karo isballaadhinta Shiinaha ee gobolka. Sannadihii u dambeeyay, warbaahinta Reer Galbeedku waxay adeegsanayeen Somaliland iyagoo tilmaamaya inay tahay meesha kaliya ee "Maya" ku tidhi Beijing, taasoo ay u arkaan inay mudan tahay in lala shaqeeyo.

Sidoo kale, xidhiidhka Shiinaha iyo Soomaaliya oo xoogeystay tan iyo markii uu bilaabmay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, ayaa xaaladda ka dhigay mid tartan u eg. Taasi oo sababi kartaa in waddamada qaar ay la kala safteen labada dhinac. Siyaasiyiin uu ka mid yahay Danjire Tibor Nagy, oo hadda ka hawlgala Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa ku dooday in Washington ay la shaqeyso Hargeysa, maadaama Muqdisho aanay doonayn inay caawiso la dagaallanka isballaadhinta Shiinaha.

Khasaaraha xidhiidhka Taiwan u leeyahay aqoonsi raadinta Somaliland:

Waxaa jira dad badan oo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan ku sifaynaya maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd: “Laba qaawani isma qaado”, iyagoo ula jeeda in Taiwan aanay wax badan ka tari karin aqoonsi raadinta Somaliland, maadaama aan iyadaba si buuxda loo aqoonsan. Taasi waxay ka dhigaysaa xidhiidhkooda mid aan saamayn xooggan ku lahayn fagaarayaasha siyaasadda caalamka, maadaama labada dhinacba aanay haysan sharciyad ay kaga qaybgalaan masraxyada caalamiga ah.

Dowladda Shiinaha, oo ah dalka labaad ee dunida ugu awoodda badan dhaqaale ahaan iyo millateri ahaanba, isla markaana aaminsan in Taiwan ay tahay qayb ka mid ah dhul-weynihiisa, ayaa si weyn uga cadhootay xidhiidhka labada dhinac. Taasi waxay sababi kartaa in uu Shiinuhu cadaadis saaro beesha caalamka si aan loo aqoonsan Somaliland, xitaa haddii qaddiyaddeeda la horgeeyo Qaramada Midoobay, wuxuu isticmaali kara codka diidmada qayaxan (veto).

Ugu dambeyn, xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland wuxuu si rasmi ah u bilowday sannadkii 2020, iyadoo labada dhinac sheegeen inay isku doorteen qaddiyadaha ay wadaagaan, sida aqoonsi raadinta iyo qiimaha dimuqraadiyadda.