4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2025
Somaliland iyo Ingiriiska oo ka Wada Hadlay Xoojinta Amniga Badda iyo Tababarada Ciidamada
 

Axad, Maarso 16, 2025 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, Admiral Axmed Hure Haariye, iyo Madaxa Xafiiska Ciidamada ee Safaaradda Ingiriiska ee Nairobi, James Edwards, oo ay weheliso Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa, Mrs. Cammilla, ayaa ka wada hadlay sidii ay u yeelan lahaayeen wada shaqayn buuxda.

Qoraal lagu baahiyay bogga Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa lagu sheegay in dhinacyadu ay ka wada hadleen sidii ay u adkayn lahaayeen wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Badda Somaliland iyo Dowladda Ingiriiska.

“Kulankan waxaa diiradda lagu saaray qodobo ay ka mid ahaayeen wada shaqaynta Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo Ciidamada Badda Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada tababarada iyo kor u qaadista xirfadaha ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in masuuliyiinta ka socday Dowladda Ingiriiska ay dhankooda ballanqaadeen inay gacan buuxda ka siin doonaan Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland dhinacyada tababarada iyo dhisidda xirfadaha muhiimka ah.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, Admiral Axmed Hure Haariye, ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta socdaalkooda ay ku yimaadeen Somaliland, isagoo sidoo kale ballanqaaday inay xukuumad ahaan iyo ciidan ahaanba soo dhoweyn doonaan wada shaqayntaasi.