Isniin, Maarso 17, 2025 (HOL) - Raysal Wasaraaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa daahfuray qorshaha isbeddelka Qaranka (National Tranformation Plan 2025-2029).
Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay in qorshahan ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada uu ku saleysan yahay hanaan lagu horumarinayo kaabayaasha kala duwan ee dalku leeyahay, islamarkaana lagu tayeynayo hey’adaha kala duwan ee dowladda.
“Waxaan diyaarinay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029), oo lagu horumarinayo dhinacyada Siyaasadda, Amniga, Caddaaladda iyo Arrimaha bulshada, korna loogu qaadayo ilaha dakhliga dalka iyo fursadaha maalgashi ee loo baahan yahay” ayuu yiri Rayaal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Qorshahan isbedelka Qaranka oo qoraalkiisu soo socday in muddo ah ayna soo diyaariyeen in ka badan 400 oo qof ayaa la filayaa in lagu horumariyo dhinacyada Siyaasadda, Amniga, Caddaaladda iyo Arrimaha bulshada, waxaana ansixiyay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.
Qorshahaan ayaa si rasmi ah u badalaya qorshihii hore ee horumarinta Qaranka NDP9, waxaana la tilmaamay inuu xoogga saarayo qaabkii dalka uu ku gaari lahaa horumar la taaban karo shanta sano ee soo socota.
Dhinaca Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025-2029), uu yahay mid istiraatiiji ah oo lagu hagayo koboca iyo horumarka dalka, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga, iyo adeegyada bulshada.
Warsaxafadeedka Wasaaradda Qorsheynta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029) uu yahay mid la jaanqaadayo hiigsiga Qaranka ee 2060-ka, islamarkaana qorshahaan dhismahiisa lagu saleeyay afar tiir oo waa weyn oo kala ah Isbadal Maamulka Dowladnimo, Isbadal Dhaqaale Waare, Isbadalka Arrimaha Bulshada iyo Karaanka Aadmiga iyo Deegaanka Adkeysiga iyo Cimilada.
Hoos ka akhriso Warsafaxadeedka oo dhameystiran:-