4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2025
Raysal Wasaare Xamse oo guddoomiyay shir looga hadlaayay dardargalinta arrimaha doorashooyinka dalka
 

Isniin, Maarso 17, 2025 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shir looga hadlayey dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka, kaasoo u dhexeeyey Golahiisa Wasiirrada iyo xubnaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka.

Raysal Wasaare Xamse ayaa kulanka ka sheegay muhiimada ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah iyo in awooda dalka dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale xusay Raysal wasaaraha in bulshada Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin iney soo doortaan hogaanka ay doonayaan, islamarkaana taasi hirgelinteeda looga fadhiyo Xukuumadda iyo guddiga doorashooyinka dalka.

Raysal Wasaare Soomaaliya ayaa sidoo kale faray dhamaan Wasaaradaha iyo hey’adaha ku shaqada leh iney si dhow ula shaqeeyaan guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka si loo xaqiijiyo qabsoomida doorasho qof iyo cod ah oo dhowr iyo konton sano kadib dalka ka dhacdo.

Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale tilmaamay in Xukuumaddiisa gacana kula dagaalameyso kooxda Al-shabaab, gacana ay ku dooneyso iney dalka kaga hirgaliso doorasho qof iyo cod ah.

Ugu dambeyntii kulankaan maanta dhexmaray Golaha Wasiiradda Soomaaliya iyo xubnaha Guddiga dooorashooyinka Qaranka ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhawaan guddiga doorashooyinka ay si rasmi ah u bilaabeen dinwaan gelinta xisbiyada dalka si loo dardargeliyo qabsoomida doorasho qof iyo cod ah.