4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2025
Somaliland oo Sheegtay in Xidhiidhka Kala Dhexeeya Taiwan uusan Waxyeello Ku Ahayn Qaranimada Shiinaha
 

Isniin, Maarso 17, 2025 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in xidhiidhka ay la leedahay Taiwan uusan dhibaato ku ahayn dalka Shiinaha, kadib markii Beijing ay walaac ka muujisay xidhiidhka sii xoogaysanaya ee labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa tilmaamay in xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan uu yahay mid iskaashi oo ku salaysan danaha labada dhinac, isla markaana aanu wax dhaawac ah u geysanayn Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.

"Ma garanayno sababta Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya uu uga walaacsan yahay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan. Haddii aanu xidhiidh la leenahay Taiwan, waxaanu ka mid nahay dalal kale oo adduunka ah oo xidhiidh la leh. Arrintaasina waxba uma dhimayso xidhiidhka naga dhexeeya annaga iyo Shiinaha," ayuu yidhi Wasiir Aadan.

Waxa uu intaas ku daray in dalalka caalamku aysan cidna kala tashan cida ay xidhiidh la yeelanayaan, sidaas darteedna aanay suuragal ahayn in Hargeysa ay Beijing ka talogaliso cida ay xidhiidh la yeelanayso.

Wasiirku waxa uu sheegay in arrimaha ka dhexeeya Shiinaha iyo Taiwan ay yihiin wax iyaga u gaar ah, wixii ay ka yeelaanna ay iyaga u taallo, isla markaana aanu xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan tusinayn in ay diidan yihiin jiritaanka dowladda Shiinaha.

"Haddii aanu Taiwan xidhiidh la leenahay, macnaheedu maaha in dhibaato naga dhaxayso Shiinaha," ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirku.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu, oo la hadlay warbaahinta Dalsan, ayaa cambaareeyay xidhiidhka sii kordhaya ee Taiwan iyo Somaliland, isaga oo sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin lagaga hortagayo.