4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2025
Taiwan oo si adag uga jawaabtay cadhada uu Shiinuhu ka muujiyay xidhiidhka ay la leedahay Somaliland
 

Isniin, Maarso 17, 2025 (HOL) - Taiwan oo ka jawaabtay cambaarayntii safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu, ee ku saabsan xidhiidhka ay la leedahay Somaliland, ayaa sheegtay in Shiinuhu aanu waligiis xukumin Taiwan, sheegashadiisa dhuleedna ay tahay mid been ah.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Diblumaasiyadeed ee ay Taiwan ku leedahay Hargeysa ayaa lagu sheegay in Taiwan iyo Shiinuhu ay kala madax-bannaan yihiin. "Waxaanu si adag u diidnay sheegashada dhuleed ee beenta ah ee Shiinaha, taasoo gabi ahaanba kasoo horjeeda xaqiiqda."

Qoraalka waxa kale oo lagu sheegay in maamulka Trump iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobayba ay si cad usoo dhaweeyeen xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, isla markaana xidhiidhka labada dhinac sii kobcayo, isaga oo ku dhisan danaha ay wadaagaan.

"Waanu ku faraxsanahay in aanu aragno dimuqraadiyiin badan oo nala fikir ah oo taageersan xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan. Waxaannu aaminsanahay in xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan uu taageero caalami ah usoo jiidi doono labada dalba," ayaa lagu yidhi qoraalka.

Taiwan waxay Shiinaha ku eedaysay in mucaawinada bini'aadantinimada ee uu siiyo waddamada gobolka uu u adeegsanayo si hubaysan, taasoo gobolka lagu waxyeelaynayo. Dhanka kale, waxay u mahadcelisay waddamada G7 oo taageero u muujiyay Taipei.

Ugu dambayn, waxay sheegtay in xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland uu sii kobci doono isaga oo haysta taageerada caalamka.