4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2025
Cutubyo kamid ah ciidamada Booliska Soomaaliya oo ku biiraya dagaalka Al shabaab
 

Talaado, Maarso 18, 2025 (HOL) - Magaalada Muqdisho waxaa xalay laga sagootiyay Cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed kuwaasi oo la doonayo inay ku biiraan dagaalka lagula jiro Kooxda Al shabaab gaar ahaan degaanada Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyay Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamaan Boliiska katirsan waxaana ay kula dardaarmeen inay xoojiyaan ciidamasa kale ee furimaha dagaalka jooga.

"Al-shabaab waa wiilal yar yar oo baqaya oo aan dad laheyn rabana inay is qarxiyaan oo naftooda haligaan laakiin idinku waxaa leedihiin madax idin jecel oo xaquuqdiina diyaar idiinla ah iyo ummad Soomaaliyeed oo idinku jiifta" ayuu yiri Taliye Asad oo khubad dhiirigelin ah ka hor jeediyay askartaan.

Taliye Asad Hadalkiisu waxa uu sii raaciyay "Bil Ramadaan baa lagu jiraa Dagaalka aad u socotaan waa in Cibaado idiin noqdaa oo dalkiina iyo dadkiina ka xoraysaan Cadowga guul baana idiin rajeyn".

Ciidamadaan Booliska ayaa qaba tababaro kala duwan oo ay siiseeyeen intoodi badan Dowladda Turkiga kuwaasi oo gudaha iyo dibaddaba loogu soo carbiyay dagaalka ka dhanka Argagexisada.