Arbaco, Maarso 19, 2025 (HOL) - Safaarada Soomaaliya ee dalka Serbia ayaa faah faahin ka bixisay wada hadalo qadka telfoonka ku dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallim Fiqi iyo dhigiisa Wasiirka Arimaha Dibada Serbia Danjire Marko Djuric oo ay kawada hadleen xiriirka labada dal
Safaarada ayaa sheegtay Bayaan ay soo saartay in Labada Wasiir ay ka wada-hadleen xalaadaha guud ee labadda dal Siyaasadda Caalamka, Amniga iyo dhaqaalaha.
Soomaaliya iyo Serbia ayaa xiriirkooda saaxiibtinimo uu sii marayaa muddo 65 sano ah. "Waxaan xoojin doona kor u qaadidoona xiriirkeena wadaagga ah" ayuu yiri Danjire Axmed Fiqi Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa muujiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee dowladaha dunidda oo idil, iyadoo mar walba mudnaan gaar ah la siinayo dalalka saaxiibtinimadoodu mudadda dheer ee ay soo jirtay.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia Marko Djuric ayaa boogaadiyay horumarka dhanka Diplomaasiyadda iyo Siyaasadda ee dhexdhexaad ka ah ee Dowladda Soomaaliya ay ka qaadato danaha is diidan ee yaala Golayaasha Caalamka.
Bayaankaan ayaa sidoo kale lagu xusay in Wasiirka Arimaha Dibada Serbia balan qaaday inay dowladdiisu taageero la garab taagantahay dowladda Soomaaliya, "Mar walba Soomaaliya waxay noo tahay saaxiib gaar ah waxaan rumeysannahay inaan wax badan wada-qabsan karo" ayuu yiri Marko Djuric.
Ugu dambeyn, laba Wasiir ayaa isla gartay in booqashooyin rasmi ah isweydaarsadaan, si loo balaariyo fursadaha jira si loga wada faa'iideysto Arimaha dhaqaalaha amniga iyo Tiknoolajidda.