4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2025
Ciidamo Soomaali ah oo tababar u jooga dalka Turkiga oo iskugu gacan qaaday gudaha xerada Tababarka
 

Arbaco, Maarso 19, 2025 (HOL) - Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24 askari sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.

Xafiiska duqa magaalada Isparta ee galbeedka Turkiga oo arrintu ka dhacday ayaa sheegay in dagaalka ciidamada dhexdooda ah uu ka dhacay xerada Gen. Ihsan Alper halkaas oo ah meel askarta ay ku qaataan tababar.

Sida wararku sheegayaan dhammaan 24-kii askari ee dhaawacmay waxaa la geeyay isbitaalka magaalada marka laga reebo hal askari, Xaaladdooda ayaa la sheegay in ay caadi tahay, sida ay qorayaan warbaahinta dalkaas.

Xafiiska duqa magaalada wuxuu kaloo sheegay in walaac dhanka ammaanka ah uu ka jiray xerada iyadoo hadda ay wadaan maamulka ku shaqada leh baarisyo maamulka iyo sharciga ah.

Xafiiska u qaybsanaha Arimaha Ciidamada ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo arintaan la falgashay ayaa dadwaynaha Soomaaliyeed la wadaagtay in la xaliyay qalaalasihii ka dhashay isku dhac kubada cagta ah oo dhex maray qaar kamid ah ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa bayaanka Safaaradda lagu yiri "Waxaa lagu war galinaayaa dhamaan ciidanka qaranka inay waajibaadkooda u gutaan si masuuliyad ku jirto xasuustaana inay tusaale u yihiin dhalinyarada kuna matalaan qaranka Soomaaliyeed wadankan Turkiga oo ay wax ku bartaan".