4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2025
Hargaysa: Saddex carruur ah oo koronto qabsatay kadib daadad ku dhuftay magaalada
 

Arbaco, Maarso 19, 2025 (HOL) - Saddex carruur ah oo ka soo jeeda qoomiyadda Oromada ee dalka Itoobiya ayaa daadad ku dhuftay gurigooda ay sababeen in ay koronto ku dhagto iyada oo mid kamid ahi uu goobta ku geeriyooday.

Warbixin kasoo baxday Ciidanka Booliska ayaa lagu yidhi "Waxaa goobta ku geeriyooday Marxuum Muscab Cabdifataax Rashiid oo 7-jir ah , waxaana dhawaac ah Ummulkhayr Cabdifataax Rashiid oo 13-jir ah waxaana loo gudbiyay Cisbitaalka weyn Magaalada Hargaysa."

Gabadh ka mid ah dadka laga soo badbaadiyey daadka oo ku sigatay in uu qaado, ayaa u warrantay HCTV, waxayna sheegtay in markii dhacdadu dhacaysay ay ka tukaamaynsanaysay meherad jaarka la ah guriga ay dhibaatadu ka dhacday, isla markaana mid ka mid ah saddexda carruurta ah uu geeriyooday.

"Carruur baa ku dhimatay anagoo carwada ku jirnay, waxaanu ku dhowaannay in aan nafwaayno, Ilaahay ayaa dab-damiska noo soo diray oo na badbaadiyey. Meeshaasi musiibo ayaa ka dhacday, reero badanna waa ay ku waxyeelloobeen," ayay tidhi.

Roobabka gu’ga oo maanta ka curtay magaalada Hargeysa ayaa sababay daadad waaweyn, kuwaasoo marka dadka laga yimaado, burburiyey guryo iyo gaadiid.