Axad, Maarso 2, 2025 (HOL) - Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Puntland, Dr. Guuleed Saalax Barre, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni muddadii Lixda sanno ahayd ee uu xukunka hayay in uu dayacay masuuliyaddii ka saarnayd ka hortagga isbalaarinta kooxda Daacish oo gobolka ku sii xooganaysay kahor intii aan horraantii bishii Janaayo sanadkan aan lagu qaadin guluf.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ka ayu ku yiri: “Waxaa iswaydiin mudan dayaca intaas le’eg yaa iska leh masuulayadeeda? Ma dhowr maalmood bay dibadda inoo kaga yimaadeen iyagoo doonyo saaran sidii Shabaabkii xeebaha Garacad iyo Eyl agagaarkooda maalin kasoo dagay? Soo wiilasha dagaalamaya ciidankeennii ma ahan awalba inoo joogay? Diyaargarowgii Madaxweyne Deni dhowrka bilood oo kooban ku qaadatay maxaa ka hortaagnaa 6dii sano ee uu xilka hayay oo cadawgu intaan ka tabar iyo taag yaraa? Dadkii shacabka ahaa ee laga qixiyay deegaanada cadawgu haystay ee aadka u ballaarnaa soo dowlad matalaysa ma aysan jirin?”.
“Waxaa muuqata dayac masuuliyadeed oo aad u wayn oo ay tahay in la iswaydiiyo lagana xisaabtamo. 6-da sano ee Madaxweyne Deni xilka hayay waa waqtigii ay si mug leh u saldhigteen cadawgu fursad wayn oo sidaas ay iskugu diyaariyaana ay heleen. Ha u cudurdaarto dadka reer Puntland si le’eg sida uu ugu faanayo guusha dagaalka. Sida aan ugu garab istaagnay dowladda dagaalkaan xaqqa ah si le’eg waa in aynu ula xisaabtanaa uuna u qaataa dayaca masuuliyadeed iyo hagrashada 6 dii sano ee cadawgu dhulka ku xididaystay,” ayuu yiri Guuleed Saalax.
Dr. Guuleed, oo bishii Janaayo 2024 madaxweyne Deni kula tartamay doorashadii madaxtinimada, ayaa tallo-bixin ah u soo jeediyay maamulka madaxweyne Deni, kuwaas oo ay kamidyihiin in ciidamadu saldhigyo joogto ah ay ka samaystaan buuraha Calmiskaad, si aysan Daacish mardambe ugu soo laaban iyo in shabakadihii dhaqaalaha ururin jiray iyo kuwii dal yaqaanka u ahaa baaris dheer lagu sameeyo caddaaladdana la horkeeno.