4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 2 , 2025
Iska hor imaad u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo ururka Daacish oo ka dhacay gobolka Bari
 

Axad, Maarso 2, 2025 (HOL) - Wararka aan ka helayno deegaanka Xabley, oo hoos yimaada degmada Ufayn ee gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo koox ka tirsan Daacish.

Ciidamada Puntland ayaa la sheegay inay la kulmeen koox hubaysan oo ajaanib ah oo sahan ahayd oo ka tirsanayd ururka Daacish, taasoo keentay in dagaal kooban uu dhexmaro labada dhinac.

Iska hor imaadkan ayaa ka dhacay goob horey ay Daacish uga sugnaayeen, isla markaana bishii Janaayo ay ku dileen 11 askari oo qarax lala eegtay xilli ay wadeen gaadiid dagaal.

Sida aan xogaha ku helnay, iska hor imaadka maanta ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh. Ugu yaraan dhowr askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen, halka dagaalamayaal kale oo katirsan Daacish oo aan weli tiradooda la aqoon ay ku dhinteen dagaalka.

Dhinaca kale, war qoraal ah oo kasoo baxay taliska howlgalka Hillaac ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay maanta dileen xubno ka tirsan firxadka Daacish, kuwaas oo ku dhuumalaysanaayey deegaanada Cascasey iyo Dhaban-qooxle ee gobolka Bari.

Puntland waxay soo bandhigtay maydadka labo xubnood oo Daacish ah oo ajaanib ah

Puntland ayaa gashay wajigii saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah Daacish, iyadoo madaxweyne Deni uu amray saraakiisha ciidamada inay dagaalka sii wadaan illaa lagasoo afjarayo joogitaanka Daacish.