Hiiraan Online
4/2/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 2 , 2025
Raysal Wasaare Xamse oo guddoomiyay shir looga hadlaayay amniga magaalada Muqdisho
Axad, Maarso 2, 2025 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta shir guddoomiyey kulan looga hadlayey dardar gelinta amniga magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran.
Shirkaan ayaa ujeedkiisa lagu sheegay inuu yahay mid looga feejignaanayo falalka lidka ku ah amniga guud ee magaalada Caasimadda ah, si shacabka Soomaaliyeed bisha barakeysan ee Ramadaan nabad ugu cibaadeystaan.
Hay’adaha amniga ayaa kulanka ku soo bandhigay warbixino ku saabsan amniga guud ee caasimadda iyo deegaanada ku dhadhaw, waxaana lagu gorfeeyay shirka sidii hay’addaha amniga si wadajir ah uga wada shaqayn lahaayeen sugidda iyo xaqiijinta amniga Muqdisho.
Raysal wasaare Xamse ayaa ku amaanay hay’adaha amniga juhdiga iyo dadaalka ay geliyeen sugidda amniga, isagoona faray hay’adaha amaanka iyo maamulka gobolka Banaadir iney kor u sii qaadaan dadaalada lagu horumarinayo nabadgelyada Caasimadda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo kulanka hadlay ayaa yiri "Waxaan maanta ka qeyb galay kulan looga hadlayey dardargelinta amniga Caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, si looga feejig-naado dhagarta ay cadowgu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya Bishan barakeysan ee Ramadan. Runti waxaa bogaadin mudan horumarka laga gaaray amniga guud ee caasimadda iyo sida ay had iyo jeer u feejigan yihiin ciidamadeena geesiyaasha ah ee marwalba u taagan fashilinta dhagarta cadowga".
Kulankaan looga hadlaayay arrimaha amaanka Muqdisho iyo deegaanada ku teedsan ayaa kusoo aadaya, iyadoo bilahii lasoo dhaafay amniga guud ee Muqdisho uu ahaa mid si weyn u soo hagaagaayay.