Khamiis, Maarso 20, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo xoogan ku bilaawday oo kooxda Al-shabaab aroornimadii hore ee saakay ku qaaday deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Kooxda Al-shabaab ayaa weerarka ku beegsatay fariisimo ciidanka dowladda ku leeyihiin deegaanka Sabiib iyo Caanoole oo hoostaga degmada Afgooye, waxaana xigay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray labada dhinac.
Ilo ku sugan deegaanka Sabiib iyo Caanoole ayaa warbaahinta u sheegay inuu halkaasi dagaal culus ku dhexmaray ciidanka xoogga dalka kuwa Al-shabaab ee weerarka kusoo qaaday, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka moocyadiisa kala duwan.
Dagaalka qaraxyada ku bilaawday ayaa sidoo kale lasoo warinaya inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hayeshee wali si rasmi ah looma oga inta uu dhan yahay khasaaraha.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in haatan xaaladda deegaanka Sabiib iyo Caanoole ay tahay mid degan, islamarkaana ciidanka xoogga dalka ay ku sugan yihiin fariisimahooda deegaankaas, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda oo ku aadan weerarka saakay ka dhacay deegaankaas iyo khasaraaha ka dhashay.
Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.