4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta dib ugu laabtay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe
 

Khamiis, Maarso 20, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu laabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, masuuliyiin kale oo isugu jira heer Fedaraalka iyo heer dowlad goboleed, saraakiil iyo Taliyeyaal ciidan ayaa madaxweyne Xasan Sheekh kusoo dhaweeyay degmada Cadale.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in safarka madaxweynaha uu ku tagay degmada Cadale uu qeyb ka yahay dardargalinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo xoogiisa haatan ka socdo gobolka Shabeellaha dhexe.

"Madaxweynaha ayaa u kuur galaya furimaha dagaalka iyo saldhigyada hoggaaminta howlgalka xoreynta dalka, isagoo jiidda hore kulammo kula qaadanaya halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, Madaxda iyo bulshada deegaanka, si loo sii amba-qaado guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray dagaalka argagixisada" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka ku nool deegaanada maamulka Hirshabeelle ku bogaadiyey garab istaagga ay u muujiyeen ciidamada xoogga dalka, isagoona xusay awoodda ay maanta u leeyihiin dhameystirka howlgalka xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin Al-shabaab.

Safarka uu maanta ku tagay madaxweyne Xasan Sheekh degmada Cadale ayaa kusoo aadaya, xili uu maalin ka hor safar noocaan oo kale ah uu ku tagay furimaha hore ee dagaalka degmooyinka Aadan Yabaal iyo Moqokori oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo kulamo lagu dardar galinaayo dagaalka Al,shabaab uu kula soo qaatay saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo hoggaamiyaasha ciidanka Macawiisleeyda.