Jimco, Maarso 21, 2025 (HOL) - Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashooyinkii ugu horreeyay ee qof iyo cod ee golayaasha deegaanka la qaban doono bisha Juun ee soo socota.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in la bilaabi doono diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka ee degmooyinka iyo deegaanada ku hareeraysan.
Gudddoomiyaha guddiga doorashada wuxuu xusay in shaqaalihii doorashooyinka la tababaray lana diyaariyay qalabkii codbixinta doorashada.
Muddada uu guddigu shaaciyey in doorashooyinka dowladaha hoose lagu qaban doono waxaa ka harsan wax ka yar labo bilood.
Dhanka kale, labo ka mid ah dowlad-goboleedyada ugu waaweyn ee Puntland iyo Jubbaland ayaa xiriirka u jaray dowladda federaalka. Lama oga sida ay dowladda federaalku uga hirgelin doonto doorashooyinka deegaanada maamulladaasi.
Qaramada Midoobay oo taageeraysa doorashooyinkan, ayaa ka shaqeynaysa in Golaha Wadatashiga uu isku yimaado bisha Abril ee soo socota, si looga shiro arrimaha qabsoomidda doorashooyinka dalka.