Jimco, Maarso 21, 2025 (HOL) - Xarunta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo war kasoo saartay maalinta caalamiga ah ee isir naceeybka ayaa markale maanta waxa ay xaqiijisay in Hay'adda Qaramada Midoobay taageeradeeda iyo ka-go’naansheheeda ku aaddan dhiirrigelinta sinnaanta, karaamada iyo ixtiraamka dadka oo dhan.
"Takoorka ku salaysan isirka ma aha mid soo-dhoweyn ku dhex leh bulshooyinka. Wuxuu wiiqaa nabadda, amniga, cadaaladda iyo horumarka bulsho, Waa xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo burburriya shakhsiyadda qofka, isla markaana kala dhantaala hab-tolnaanta bulsho ee umadeed" ayuu yiri Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
"Maalintan muhimka ah, waxaan ugu baaqaynaa qof walba inuu dib u milicsado qiimaha ay leeyihiin ixtiraamka iyo isku-duubnida si wax looga qabto cunsuriyadda nooc kasta oo ay tahay, isla markaana xoogga loo saaro waxyaabaha lagu guulaysan karo iyadoo loo marayo dadaalkeenna wadajirka ah ee aan ugu jirno abuurista bulshooyin uu qof walba ku naaloodo sinnaan iyo caddaalad," ayuu raaciyay.
Swan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Qaramada Midoobay Dalka Soomaaliya gudihiisa ay la shaqeyso Dowladda Federaalka ah, ururrada bulshada rayidka ah iyo saaxiibbada caalamka si loo dhiirigeliyo xaqiijinta bulsho loo wada dhan yahay oo ixtiraam leh.
Xuska sanadkan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya sanad-guurada 60aad ee kasoo wareegtay markii la ansixiyay Axdiga Caalamiga ah ee Ciribtirka Dhammaan Noocyada Takoorka (ICERD), kaas oo weli dhagax-dhig u ah la dagaalanka caalamiga ah ee ka dhanka ah takooridda, iyo horumarinta sinnaanta – kaas oo ay Soomaaliya ansixisay 1975kii.