4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 22, 2025
Madaxweynahii hore ee Hirshabeelle oo ku baaqay inaan la siyaasadeyn dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish
 

Sabti, Maarso 22, 2025 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed inaan la siyaasadeyn dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee haatan ka socda gudaha dalka.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa tilmaamay in dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo Daacish oo ay kala hoggaaminayaan madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Deni in looga guul gaari karo Al-shabaab iyo Daacish in loo midoobo oo aan fursad laga dhex raadin.

Cali Cabdullahi Cosoble ayaa sidoo kale fariin adag u diray madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka, isagoo ka dalbaday iney ku deysadaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo haatan dadaal badan ku bixinaya xureynta dalka.

“Sida Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siciid Deni tuutaha u gashteen una aadeen furimaha dagaalka waa in ay saddexda kale u aadaan, waa in loo midoobo oo si wadajir ah loo galo dagaalka, mucaarad iyo muxaafid waa waajib saaran, looma baahna muxaafad iyo mucaarad waayo dalka waxuu ku jira marxalad dagaal oo ay tahay in loo midoobo cadawga” ayuu yiri madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Hadalkaan kasoo yeeray Madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa kusoo aadaya, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maalintii labaad uu ku sugan yahay furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo uu ka hoggaaminaayo dagaalka ka dhanka ah Al-sbabaab.