Sabti, Maarso 22, 2025 (HOL) - Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) ayaa ka digtay in khayraadka Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay si gaar ah uga faa’iidaysato dowladda Itoobiya, iyaga oo ku baaqay in khayraadkaasi lagu wareejiyo shacabka Soomaaliyeed.
Afhayeenka ONLF, Cabdilqaadir Xassan Hirmooge (Caddaani Hirmooge), oo waraysi siiyay Abdijaliil Show, ayaa sheegay in xabbad-joojintii ay sameeyeen ay ujeedadeedu ahayd in ONLF iyo Dawladda Deegaanka ay si wadajir ah u raadsadaan xaqooda, balse Dawladda Deegaanka ay daba-dhilif u noqotay Addis Ababa.
“Hubka aannu dhigno oo aannu danteenna si wadajir ah u raadsanno Dawladda Deegaanka ayaa diidi meesha maanaan soo dhigan, in aannu Itoobiya xaaqno ayaanu rabnay, laakiin tanaasul ayaanu samaynay, waana la diidayaa ismanaan lahayn," ayuu yidhi Caddaani Hirmooge.
Isagoo ka jawaabaya su’aal ahayd, “Madaama oo heshiiskii aad Itoobiya la gasheen uu shaqayn waayay, saw qalad may ahayn in aad hubka dhigtaan marka horeba?”, ayuu ku jawaabay in aanay wakhti badan ku qaadan doonin in ay hubkooda dib u qaataan haddii heshiisyadii la fulin waayo.
Waxa uu Dawladda Deegaanka ku eedeeyay in ay diidday in ay mideyso shacabka Soomaalida Itoobiya, isaga oo xusay in ay doonayeen in shacabka deegaanka, dowladdooda, iyo ONLF ay isku duubnaadaan si ay xaqooda Itoobiya uga raadsadaan.
“Lixdii sano ee la soo dhaafay waxaanu nabad ahayn mooyaane horumar siyaasadeed iyo mid dhaqan-dhaqaale oo aanu samaynay ma jiro,” ayuu yidhi Hirmooge, isaga oo naqdinaya horumarka uu Madaxweyne Cagjar sheegto in xukuumaddiisu ay gaadhsiisay deegaanka.
Dhanka kale, Madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar ayaa ONLF ku eedeeyay in ay wataan magac u taagan qabiil ka mid ah dadka deegaanka, isla markaana aanay noqon karin urur matala shacabka deegaanka oo dhan ilaa ay arrintaas wax ka beddelaan.