4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 23, 2025
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo digniin culus u diray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G.Banaadir
 

Axad, Maarso 23, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo la shiray Maamulada Degmooyinka G.Banaadir ayaa si kulul ugu canaantay in howsha loo igmaday ay kasoo baxaan.

Guddoomiye Amiir waxa uu shaaca ka qaaday in Guddomiyihii ay ku cuslaato inuu shaqada loo dhiibay kasoo baxo uu dib ugu soo celiyo xilkaasi Maamulkii magacaabay ee Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana uu carabka ku dhuftay in Degmada aan looga maarmin inuu qof yaqaan oo ku dhashay maamul ka noqdo.

"Degmooyinkaan la qabiileystay ee la leeyahay reer hebal ayaa laga qaaday ee reer hebal u dhiib ma shaqeyneyso, shan qof oo walaalo ah hadday shaqeysanayaan waan qaadanayaa" ayuu yiri Guddomiye Amiir.

Guddomiyaha Gobolka Banaadir ayaa faray Maamulada Degmooyinka inay xil iska saaraan ka warqabka shacabka Degmada sidoo kalana aan la dhibaateynin.

Waxa uu tilmaamay Guddomiye Amiir in iyadoo la adkeenayo ammaanka caasimadda in Guddomiyaha Degmada uu ka warqabo dadka ku cusub Degmada si aysan u dhicin in Kooxaha argagixisada ay shacabka kusoo dhuumalaystaan.