4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 23, 2025
NISA oo Baydhabo kusoo bandhigtay 10 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab oo isa soo dhiibay
 

Axad, Maarso 23, 2025 (HOL) - Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay maanta kusoo bandhigtay ilaa 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo isa soo dhiibay.

Xubnahaan kasoo goostay kooxda Al-shabaab ayaa la sheegay iney ka tirsanaayeen dhamaan qeybaha kala duwan ee kooxda, kuwaas oo ah dhamaantood ah rag dhalinyaro ah oo aad u da'yar.

Waxaa la tilmaamay in isa soo dhiibayaashaan ay u adkeysan waayeen dhibaatada ay wajahayaan kooxda Al-shabaab, waxaana isa soo dhiibistooda ay timid kadib markii ay xiriiro lasoo sameeyeen saraakiil ka tirsan dowladda.

Cismaan Cabdullaahi Mursal oo ka mid ahaa isa soo dhiibayaasha, islamarkaana ahaa shaqsiga ugu da'da weyna xubnaha isa soo dhiibay ayaa warbaahinta u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu isku soo dhiibo gacanta ciidanka dowladda.

"Al-shabaab waxaan ka tirsana mudo 13 sano ah waxaan u qaabilsana dhanka qaadista lacaga Sakawaadka, gaar ahaan deegaanada hoostaga degmada Buurhakaba oo an markii horaba uga biiray Al-shabaab deegaanada ay kooxdu ka taliso si caadi ah ayaan lacagaha uga qaadi jiray, halka magaalooyinka dowladda haysato lacagaha Sakawaadka aan uga qaadi jiray taleefano aan ka waceyno markaas qofka ganacsadaha ah" ayuu yiri isa soo dhiibe Cismaan Cabdullaahi Mursal.

Maalmahii ugu dambeeyay waxaa si weyn u soo badanaayay xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee isku soo dhiibaya qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, kadib markii ay xoogeysteen howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.

Ugu dambeyntii xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee ka dagaalama deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa ah kuwa ugu badan ee mudooyinkii dambe isku soo dhiibayay gacanta ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.