4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 23, 2025
Magaalada Jigjiga iyo magaalooyin kale oo Itoobiya ah oo habeenkii shanaad koronto la'aan ah
 

Axad, Maarso 23, 2025 (HOL) - Magaalooyinka Jigjiga, Dhagaxbuur, Fiiq, Diridhaba iyo Harar ayaa habeenkii shanaad mugdi ku jira, kadib markii ay go'een xadhkaha korontada kasoo qaada Itoobiyada shishe.

Dowladdu waxay sheegtay in xadhkahan, oo ka go’ay meel u dhow magaalada Awash, ay hore uga soo qaadi jireen korontada gobollada galbeed ee Itoobiya. Sidoo kale, waxay xustay in birihii laydhka la fadhataystay, taasina ay sababtay in ugu dambayn ay dumaan.

"Waxaa jira dad fadhataystay biraha korontada, kadibna markii cimiladu is beddeshay way soo dumeen," ayuu yidhi Duqa magaalada Jigjiga, Shaafi Axmed Macallin. "Meelo badan oo Bariga Itoobiya ah ayaa koronto la’aan ah."

Xaaladdan koronto la’aanta ah ee haleeshay magaalooyinkan muhiimka ah ee Bariga Itoobiya ayaa saameyn weyn ku yeelatay adeegyada caafimaadka, ganacsiga, iyo adeegyada kale ee nolosha aasaasiga u ah, xilli lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

"Xilliga Ramadaanta, dadku inta badan waxay u socdaan salaadaha iyo goobaha kale ee lagu sheekeysto, balse magaaladu waa mugdi. Sidaas darteed, waxaanu kordhinay roondada ciidamada ammaanka si aanu u sugno nabadgelyada," ayuu yidhi Duqa Jigjiga.

Masaajidada iyo qaar ka mid ah ganacsiyada ayaa isticmaalaya ijiinnada naaftada ku shaqeeya, balse dad badani ma awoodaan in ay saacado badan isticmaalaan korontadaas, sababo la xidhiidha qiimaha shidaalka oo sareeya guud ahaan Itoobiya.

"Waanu joojinnay hawlihii ganacsiga," ayuu yidhi mid ka mid ah doobiilayaasha Jigjiga. "Macaamiishii waanu isla kadeenanahay, waxna ma qaban karno koronto la’aan awgeed."

Fardawsa Yuusuf Cumar, oo haysata meherad lagu iibiyo khudaarta, ayaa sheegtay in khudaartii ay ka qudhuntay koronto la’aanta awgeed. "Qaboojiiyahaygii wuu dansan yahay, wax kasta way qudhmeen, macaamiishuna ma iibsan karaan," ayay tidhi.

Dhanka kale, waxaa adag in dadku ka wadahadlaan telefoonada iyo baraha bulshada, maadaama ay adagtahay in la dabaysto telefoonada gacanta oo meelo kooban looga heli karo koronto lagu dabeeyo. Sida uu sheegay Duqa Jigjiga, farsamoyaqaanno ka socda dowladda ayaa ku hawlan soo celinta korontada.

Deegaanka Soomaalida ayaa ka mid ah meelaha ugu liita dhinaca adeega korontada ee gobolka Geeska Afrika, waxaana magaalooyinka deegaanku aanay weligood helin koronto laga haqab beelay. Inta badan, korontadu saacado badan ayay maqnaataa toddobaad kasta.