Axad, Maarso 23, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku qaabilay Aqalka Villa Soomaaliya Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf oo safarkiiisi ugu horeeyay tan iyo markii la doortay ku yimid Soomaaliya.
Kulamadaan kala duwan uu Guddoomiyaha Midowga Afrika uu la qaatay Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray ammaanka iyo xoojinta dagaalka Al shabaab.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha in uu safarkiisii ugu horreeyay ku yimaado Muqdisho, taas oo muujineysa ahmiyadda uu Midowga Afrika u leeyahay Soomaaliya, waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka hadlay guulaha waaweyn ee dowladda Soomaaliyeed ka gaartay dhinacyo kala duwan, gaar ahaan dagaalka xooggan ee lagu ciribtirayo Al shabaab oo halis ku ah amniga guud ee gobolka.
Sidoo kale isla madaxtooyada waxa uu Guddomiyaha Midowga Afrika kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo si weyn maamuus soo dhoweyn loogu sameeyay, waxaana ugu dambeyn ay wada qabteen shir jaraaid ay kaga hadleen doorka Midowga Afrika ee dagaalka Argagixisada.
“Argagixisada uma harin meel ay kaga dhex dhuuman karaan Soomaaliya, dhulkii iyo dadkiiba waa diideen. Alle idankii, waaa ku guuleysan doonnaa in aan gebi ahaanba ka dabar-goyno dalkayaga oo iska dulqaadno dhagartooda, boobkooda iyo xasuuqa ay ku hayaan nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed". Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya
Sidoo kale, Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa isla qaatay horumarinta iskaashiga dhaqaalaha, dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, iyo xoojinta amniga gobolka, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yusuf oo ugu mahadceliyay madaxda Qaranka soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, waxaana uu xusay in ay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.