Isniin, Maarso 24, 2025 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo aad u tira badan oo ah kuwa difaaca deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda iney ku wajahan yihiin deegaanka Alkowsar ee gobolkaas.
Ciidankaan ayaa qorsheynaya iney kooxda Al-shabaab ka xureeyaan deegaanka Alkowsar oo ay haatan gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda oo la hadashay warbaahinta ayaa wacad ku maray in ciidamada difaaca ay xureyn doonaan saacadaha soo socda deegaanka Alkowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Deegaankaan ayaa ka mid ah deegaanada muhiim ah ee ku yaala gobolka Shabeellaha dhexe oo ay kooxda Al-shabaab gacanta ku hayso, waxaana dhowr jeer ka dhacay deegaankaas dagaalo iyo duqeymo khasaare xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab.
Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xalay duqeymo xoogan diyaaradaha dagaalka ka fuliyeen gudaha deegaanka Alkowsar, gaar ahaan goob ay shir ku lahayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo halkaasi lagu gaarsiiyay Al-shabaab, hayeshee majirto war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka dowladda oo ku aadan duqeymahaas.
Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa mudooyinkii dambe ka socday guluf dagaal oo ka dhan Al-shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda, kuwa deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka oo dhanka cirka ka taageeraya howlgalada.
Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.