Isniin, Maarso 24, 2025 (HOL) - Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Heshiiska Bangiga Dhoofinta iyo soo dajinta ee Afrika (Afreximbank), iyadoo noqotay xubin ka mid ah 53da dal ee Afrika ee xubnaha ka ah hay’adda maaliyadeed ee Afrikada oo dhan.
Qoraalka ku biiritaanka oo uu saxiixay Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Hirsi Jaamac Gaani, ayaa lagu ogeysiiyay Afreximbank in Soomaaliya ay aqbashay, islamarkaana ay ku biirtay Heshiiska Aasaaska Bangiga, iyadoo sidoo kale ballanqaaday inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo dedejiyo ansixinta heshiiska.
“Xubinimada Soomaaliya ee Afreximbank waa horumar weyn oo dhigaya waddada koboca dhaqaale ee waara, horumarinta kaabayaasha ganacsiga iyo warshadaha dalka, isla markaana Soomaaliya ka mid noqoto dadaalka qaaradda ee lagu xoojinayo isku-xirnaanta iyo isku-filnaanta Afrika iyada oo loo marayo Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA),” ayaa lagu yiri war ay soo saartay dowladda Soomaaliya.
Prof. Benedict Oramah, Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Guddiga Agaasimayaasha ee Afreximbank, ayaa soo dhoweeyay go’aanka ku biiritaanka Soomaaliya, kaasoo uu sheegay inuu xoojiyanayo faa’iidooyinka labada dhinac ee iskaashigan.
Cabdiraxmaan Cabdullaahi, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay caan ku yihiin ganacsigooda iyo hal-abuurkooda ganacsi, wuxuuna usoo jeediyay ganacsatada Soomaaliyeed in ay si buuxda uga faa’iideystaan fursadaha uu bixiyo Afreximbank.