Hiiraan Online
4/1/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Mar 24, 2025
Koonfur Galbeed oo sheegtay in la dilay Horjoogihii Sakawaadka Al-shabaab ee Degmada Berdaale
Isniin, Maarso 24, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa kusoo waramaya in Ciidanka Booliiska gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku sugan Degmada Berdaale oo kaashanaya Sirdoonka KGS ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen Deegaanka Mundala Sheela oo u dhaxeyso Berdaale iyo Loowgoof lagu dilay horjooge ka tirsan Kooxda Al-shabaab.
Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in Howlgalka lagu dilay horjooge Macalim Aadan Qaddiid oo ahaa horjoogihii Al shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda oo ay ugu yeeraan Sakawaadka, waxaana saraakiisha Koonfur Galbeed ay sheegee in uu dhibaato ku haayey dadka ku nool deegaanada hoostagta Degmada Berdaale ee gobolka Baay.
Sidoo kale waxa ay Ciiidamadu xuseen in ay Horjoogaha la dilay ay ka soo furteen Qori AK47 iyo booshkiisa iyo Mooto Fekon oo ay usoo bandhigeen warbaahinta gudaha.
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed u qaabilsan Degmada Berdaale ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaan ay tan iyo xalay wadeen oo ay ku baacsanayeen rag ka tirsan Al-shabaab ayna ku guuleysteen inay ka taqalusaan horjoogihii Kooxda Al-shabaab ee lacagaha badda ugu qaabilsanaa Degmada Berdaale.
Guddomiyaha Degmada Berdaale Maxamed Isxaaq ayaa dhankiisa waxa uu shaaca ka qaaday inay shacabka ka codsanayaan inay laamaha ammaanka kala shaqeeyaan sugidda amniga Degmada iyo in lasoo sheego dhibaatada ay Kooxda Al-shabaab shacabka u geeysanayaan.