4/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 25, 2025
Ciidamadii Ahlu Sunna Waljamaaca oo dib loo howlgalinayo si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro Al shabaab
 

Talaado, Maarso 25, 2025 (HOL) - Hogaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay jirto dib u howlgalinta ciidamadii Ahlu Sunna ee Gobolada dhexe ka xoreeyay Al shabaab kuwaasi oo kusoo biiraya dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al shabaab.

Sheekh Shaakir ayaa tilmaamay in arintaan ay kawada hadleen isaga iyo General ka ugu sareeya ciidanka Militariga Soomaaliya General Odawaa Yuusuf Raage oo uu shaaca ka qaaday inuu qorshahaasi si weyn usoo dhoweeyay.

Waxa uu xusay Sheekh Shaakir in siyaasiyiinta Soomaalida ay arintaan ku garab taagan yihiin xitaa Dowladdu ay ka warheyso dib u howlgalinta ciidamadaan iyadoo laga faaideysanayo khibrada ay u leeyihiin dagaaladii ay kaga sifeeeyen Gobolada Dhexe.

Sheekh Shaakir ayaa hadalkaan u sheegay wareysi uu siiyay TV ga maxaliga ah ee SMS, waxaana uuna carab ku adkeeyay in Ciidamada Ahlu Sunna la diyaariyay ayna ku biiri doonaan jiidaha hore ee dagaalka si ay u caawiyaan ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Hadalka Sheekh Maxamed Shaakir ayaa imaanaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay jirtay hadal hayn badan oo qabsatay baraha Bulshada kaa oo ahaa in Ahlu Sunna dib ay isku abaabuleyso si ay ugu biirto dagaalka lagula jiro al shabaab.