4/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 25, 2025
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku baaqay in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay xal ka gaaraan dhibaatada ka jirta Dalka Congo

Talaado, Maarso 25, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qaybgalay kulan madaxeed wadajir ah oo ay yeeshaan dalalka xubnaha ka ah urur gobolleedyada Bariga iyo Koonfurta Afrika ee EAC iyo SADC oo looga arinaanaayay arrimaha ka taagan dalka Congada Dimuqraadiga.

Ra'iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Kulan kaan uga qeyb galay aaladda fogaan-aragga, waxaana inta badan madaxdii ka qeyb gashay ay diiradda ku saareen xaaladda amni darro ee ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay kulanka ayaa waxa uu sheegay in xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta Bariga Congo ay masuuliyad ka saaran tahay dalalka gobolka in ay xal u helaan, isla markaana si degdeg ah wax looga qabto.

Waxa uu sidoo kale hadalkiisa raaciyay in Soomaaliya ay aaminsan tahay in nabad waarta oo laga gaaro DRC lagu heli karo qorshe dhameystiran, oo ay ka qayb qaataan dhammaan dhinacyada is haya, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika si xal kama dambeys ah oo amni loogu helo dagaalka.

War murtiyeed ka soo baxay shirka wadajirka ah ee labada urur ee EAC iyo SADC ayaa waxaa lagu magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo ah Madaxweynayaal hore kuwaasi oo ka shaqeyn  doona xal u helidda arrinta DRC, waxaana ay kala yihiin:-

1. Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo
2. Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta
3. Madaxweynihii hore ee South Africa, Kgalema Motlanthe
4. Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Catherine Samba Panza
5. Iyo Madaxweynihii hore ee Ethiopia, Sahle-Work Zewde.