Talaado, Maarso 25, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Al-shabaabkii ugu badnaa ay buux dhaafiyeen maalmahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in deegaano badan oo ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool lagu arkay Al-shabaab aad u hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaas oo la tilmaamay iney yihiin kuwii lagu soo jabiyay dagaalada maalmahii lasoo dhaafay ka socday gobolka Shabeellaha Dhexe.
Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybta 60-aad ayaa sheegay iney la socdaan dhaqdhaqaaqa kooxda Al-shabaab ee soo buux dhaafiyay deegaanada Koonfur Galbeed, islamarkaana ay ka hortagi doonaan dhibaatooyinka ay la damacsan yihiin dadka reer Koonfur Galbeed.
Taliyaha qaybta 60-aad ee ciidamada xoogga dalka Jenaral Xasan Isaaq Cumar oo loo yaqaano Xasan Baydhabo ayaa warbaahinta u sheegay iney la socdaan Shabaabka soo galay gobolada Baay iyo Bakool, kadib jabkii lagu soo gaarsiiyay deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe.
“Waxaan ognanay cadowgii nabad diidkii ahaa in loo soo jabiyay xaggeena, waana cadow gabalkiisa dhacay oo soo jabay, markii gacan adag loo gaystay waxay bilaabeen inay usoo firxadaan deegaanadan Koonfur Galbeed, gaar ahaan Baay iyo Bakool oo hadda ay dhaqdhaqaaq ka wadaan, waxaana rabnaa inaan ka hortegno qorshaha Al-Shabaab, waan iska dhicin doona waana jabin doona cadawga sida loogu soo jabiyay deegaanada kale” ayuu yiri Taliyaha qeybta 60-aad ee xoogga dalka Xasan Baydhabo.
Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in ciidamada xoogga dalka ay haatan ku jiraan heegan buuxa oo ay kaga hortagayaan culeyska kooxda Al-shabaab soo saartay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.
“Saraakiisha guutooyinka iyo ururada qaybta 60-aad waxaan faray in si xoogleh loo feejignaado, la’iskana ilaaliyo nabad-diidka” ayuu yiri Taliye Xasan Baydhabo.
Ugu dambeyntii deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha ay wali ku xooggan yihiin kooxda Al-Shabaab, waxaana xusid mudan in mudooyinkii dambe lagu soo jabiyay kooxda dagaalo iyo duqeymo ka dhacay meelo ka mid ah gobolada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.