Arbaco, Maarso 26, 2025 (HOL) - Howlgalka la dagaallanka Daacish ayaa sheegay in kooxda Daacish ay beddeleen xeeladahoodii dagaal, kaddib guuldarrooyin isdaba joog ah oo kasoo gaaray dagaalladii ka dhacay Buuraha Calmiskaad.
Afhayeenka howlgalka, Gen. Faadhigo, ayaa sheegay in Daacish ay bilowday inay habeenkii u gaarsadaan ciidamada amniga, iyagoo adeegsanaya ookiyaalaha habeen-aragga. Wuxuu intaa ku daray in dagaalyahannada Daacish ay isticmaalaan qoryaha diiradda fog-fog ee loo yaqaan "Shaamshuuterka".
Sidoo kale, wuxuu sheegay in dagaalamayaasha Daacish ay kasoo baxaan godad ay ku dhuumaalaystaan, kadibna ay meelo fog kala toogtaan ciidamada amniga. Afhayeenku wuxuu sheegay in Daacish ay habeenkii miinooyin dhulka ugu aasto ciidamada, si ay u carqaladeeyaan howlgalka lagu ciribtirayo joogitaankooda gobolka Bari.
Dhinaca kale, Buuuraha Calmiskaad ayaa lagu dilay 7 ka tirsan maleeshiyada kooxda Daacish, oo ay ku jiraan labo ka mid ah kuwa qaabilsan miino-aasidda.
Ciidamada amniga Puntland ayaa helay kaydad badan oo raashin ah oo ay Daacish lahaayeen.