Hiiraan Online
4/1/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 26, 2025
Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo culus oo Daacish lagula beegsaday buuraha Golis ee gobolka Bari
Arbaco, Maarso 26, 2025 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah looga bixiyay howlgal wadajir oo lagu beegsaday kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Golis ee gobolka Bari.
Howlgalkaan oo dhacay Xalay ayaa la sheegay iney si wadajir ah u fuliyeen Taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM oo la shaqeynaya dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana la tilmaamay in lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Daacish.
"Xog horudhaca ah ee laga helay howglka oo dhacay xalay fiidkii ayaa muujinaysa in dhowr xubnood oo ka tirsan ISIS- la dilay, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka, walina waxaa socda tirakoobka khasaaraha cadowga lagu gaarsiiyay howlgalka" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Warsaxafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in duqeynta oo dhanka cirka aheyd, si gaar ah loola beegsaday goobo ay gabaad ka dhigayanayeen Daacish, islamarkaana duqeyntu ay aheyd mid lagu taageerayay howlgalada culus ee lagu ciribtirayo kooxda Daacish oo ay ka wadaan buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-