4/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 27, 2025
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Shacabka ay u midoobaan sidii Al shabaab looga ciribtiri lahaa guud ahaan Dalka
 

Khamiis, Maarso 27, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro Kooxda Al shabaab uu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo horumarka dadka iyo dalka, waxaana uu ku baaqay in dagaalkoodi loo midoobo.

Ra'iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in Kooxda Al shabaab ay dhadhamiyeen jab xoogganna ay gaarsiiyeen ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka, xilli uu ka hadlayey munaasabad Af-fur wadareed ah oo ay iskugu yimaadeen ardayda Soomaaliyeed ee wax ku bartay dalka Malaysia.

“Qorshuhu ma ahan oo kaliya in Khawaarijta la iska celiyo ee waa in dalka laga tirtiro, maxaa yeelay wax horumar ah dalkeennu ma sameyn karo inta ay taako ka mid ah joogaan, waana lagama maarmaan in aan dhammaanteen u midowno dagaalkooda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Waxa uu xusay in Al shabaab marka ay soo dagaal galayaan ay yihiin kuwa muqaaloo soo daawada kadib sidaas kusoo dagaal gala waxaana uu xusay in hadii dagaalkoodi loo midoobo si fudud dalka looga saari karo.

Waxa uu ugu dambeyn ujeediyay Shacabka Soomaaliyeed iyo ardaydaba in ay kaalintooda ka qaataan nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska socda, si loo xaqiijiyo hiigsiga ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan Soomaaliya xasilloon oo horumar gaarta.