4/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 27, 2025
Howlgal khasaare lagu gaarsiiyay Al-shabaab oo ka dhacay duuleed degmada Xudur
 

Khamiis, Maarso 27, 2025 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Abagbeeday ayaa lasoo wariyay inuu ahaa mid xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka moocyadiisa kala duwan oo laga maqlaayay meelo ka fog fog deegaanka uu dagaalka ka dhacay.

Taliyaha guutada 9-aad ee ciidanka xoogga dalka Gashaanle dhexe Yuunis Aadan Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in dagaalka khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab, islamarkaana sidoo kale ciidanka soo furteen hub iyo saanad ciidan oo kooxdu laheyd.

Taliyaha guutada 9-aad Gaashaanle Yoonis Aadan ma uusan sheegin tirada rasmiga ah oo ay kooxda Al-shabaab uga dileen dagaalka ka dhacay deegaanka Abagbeeday.

Howlgalkaan ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen Abagbeeday ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay la sheegay in kooxda Al-shabaab ee lagusoo jabiyay howlgalada ka socda Shabeellaha Dhexe inay buux dhaafiyeen deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.