4/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 27, 2025
Midowga Afrika oo ku baaqay inuu Caalamku taageero sidii Soomaaliya loo xasilin lahaa
 

Khamiis, Maarso 27, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay kordhiso maalgelinta dadaallada xasilinta Soomaaliya.

Guddoomiyaha Midowga Afrika  ayaa walaac ka muujiyay yaraanta dhaqaale ee haysta Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta ee Midowga Afrika (AU) ee Soomaaliya, isaga oo ku baaqay ballanqaad caalami ah oo cusub si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga dalka.

"Waxaan horey uga bilaabay Addis Ababa wada-hadallo aan la leeyahay qaar ka mid ah saaxiibadayada si aan u xaqiijiyo in aan Soomaaliya la dayicin. Soomaaliya waxay weli tahay xarunta danaha beesha caalamka," ayuu yiri Youssouf.

Dhawaan, shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayuu ku adkeeyay ballanqaadkiisa ku aaddan la shaqeynta saaxiibada caalamiga ah, isaga oo xusay baahida loo qabo taageero joogto ah si loo xoojiyo dagaalka socda ee lagula jiro Al-Shabaab. Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in hawlgalka nabad ilaalinta ee AU uu ku jiro marxalad kala-guur ah oo xasaasi ah.

"Waxaan rabaa inaan halkaan ku xuso in caqabadahan la xallin karo. Laakiin waxaan u baahanahay ballanqaad, waxaan u baahanahay ka go’naansho, waxaana u baahanahay taageerada beesha caalamka," ayuu yiri.

Youssouf ayaa sidoo kale xusay doorka ay beesha caalamku ku leedahay la dagaallanka burcad-badeednimada ka jirta Gacanka Cadmeed, Kanaalka Gardafuul, iyo Badda Soomaaliya.